Sawirro: DF oo taalo lagu xusayo qaraxi October 14 ka dhistay isgoyska Zoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia lagu qabto munaasabado baroordiiq ah oo lagu xusi doono sanadguuradii koowaad ee kasoo wareegtay qaraxii isgoyska Zoobe ee Muqdisho ee dhacay 14-kii October 2017.

Qaraxaas ayaa waxa uu noqday kii ugu dhimahsada badnaa taariikhda Soomaaliya waxa ayna Umadda Soomaaliyeed ku waayen ku dhawaad Kun ruux oo dhakhaatiir u badnaa.

Halka uu ka dhacay Qaraxa oo aheyd dhexbartanka Isgooska Zoobe ayaa waxaa laga taagay Taalo lagu xusay qaraxii 14 October ee sanadkii hore, kaasoo ay ku dhinteen dadbadan oo qaarkood lagu la’yahay nolol iyo geeri.

Dadkii ku dhintay xasuuqa Dowladda Soomaaliya ayaa xus u sameysaneysa waxaana maalintaasi shaqa joojin doona dhamaan xarumaha dowlada si loo weyneeyo maalinta xanuunka badan.

Taaladan ayaa la suray bartamaha Isgoyska Zoobe, waxaana dad badan ay hadal hayeen taaladan laga taagay Isgoyska Zoobe, waxaana wali ku socda dhismo.

Sidoo kale, Maamulka Gobolka ayaa wada diyaar garow ku aadan sanad-guurada iyo xuska loo sameynayay daddii ku dhintay musiibadaas.