Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad laga leeyahay dalka Sacuudiga ayaa magaalada Muqdisho ka qaaday Toboneeyo Saraakiil iyo ciidamo ku dhaawacmay Qaraxii dhawaan ka dhacay Warshadii hore Nac-naca ee magaalada Muqdisho.
Saraakiisha iyo ciidamada ayaa laga qaaday Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana loo duuliyay magaalada Riyadh.
Dhaawacyad ayaa waxaa Garoonka kusii sagootiyay Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Axmed Jimcaale Geeddi ”Cirfiid” iyo Saraakiil kale.
Taliyaha ciidanka Xoogga, ayaa sheegay in dhaawacyada Saraakiisha iyo ciidamada wax looga qaban waayay Isbitaalada ku yaala magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay inay rajeenayaan in Sacuudiga uu ka saacido dhinacyada dhaawaca iyo Amniga.