28.9 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Sawirro: Dhismaha xarun muhiim ah oo maanta laga dhagax dhigay Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha Xarunta Xogta Qaranka oo laga dhisayo magaalada Muqdisho.

Dhismaha Xaruntan wuxuu xoojinayaa adeegyada Teknolojiyadeed ee ay bixiyaan hay’adaha dowladda, waxaana loogu talogalay inay marti-geliso xogaha kala duwan ee ay ku shaqeeyaan hay’adaha dowladda ee bixiya adeegyada teknolojiyadeed.

Xaruntan ayaa marka la dhammeystiro dhismaheeda iyo qalabeynteedaba, waxay meel iskugu keeni doontaa xarumaha xogta ee ay leeyihiin qaar ka mid ah hay’adaha dowladeed, iyada oo fursad u siin doonta inay qalabkooda keensan karaan xaruntan.

Sidaasi darteed, waxay xaruntu fududeyn doontaa adeegyada dowladda ee ay u fidiso shacabka (government to citizens), adeegyada dowladda ee ay fidiso ganacsatada (government to business) iyo adeegyada ka dhexeeya dowladda.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) Mustafa Yaasiin oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay dowrka muhiimka ah ee xarunta xogta ay ku leedahay buuxinta baahida bulshada Soomaaliyeed ee dhijitaalka, taasoo si xawli u kordheysa.

“Xaruntan casriga ah waxay xoojin doontaa oo aasaas u noqoneysaa adeegyada teknolojiyadeed ee dalka, iyadoo buuxin doonta baahida sii kordheysa ee martigelinta iyo habaynta xogta dhijitaalka ah,” ayuu yiri.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada Jaamac Xasan Khaliif oo dhagax dhigay xaruntan ayaa xusay inay guul tahay in la soo gaaray dhagaxdhigga xaruntan.

“Xarunta Xogta Qaranka waxay calaamad u tahay tallaabo muhim ah oo horay loo qaaday si loo gaaro ujeedooyinka lagu qeexay siyaasadeena ICT-da qaranka,” ayuu yiri Wasiir Jaamac Khaliif.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxayna middaan muujineysaa sida ay nooga go’an tahay kor u qaadista horumarka teknoolajiyada iyo baahinta adeegyada dhijitaalka ah.”

- Advertisement -

Read more

Local News