Sawirro: Dibadbax ka dhan ah Itoobiya oo lagu qabtay badda

Warsheekh (Caasimada Online) – Magaalada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa maanta lagu qabtay dibad-bax looga soo horjeedo xadgudubka Itoobiya.

Banaanbaxa oo ka dhacay xeebta dheer ee badda degmadaas ayaa waxaa ka qayb-galay boqolaal dadweyne ah iyo ma’suuliyiin ka tirsan maamulka degmada iyo kan gobolka.

Sidoo kale dibad-baxan ayaa waxaa lagu taageerayay go’aanka dowlada Soomaaliya ee ku aadan heshiiska badda ee ay magaalada Addis Ababa ku gaareen Somaliland iyo Itoobiya.

Mas’uuliyiin ka tirsan HirShabelle oo ay ku jiraan xildhibaano oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in lama taabtaan ay tahay badda Soomaaliya, ayna ka difaaci doonaan cid kasta.

Qaar kamid ah dadweynaha ka hadlay goobta ayaa iyaguna dhankooda sheegay inay diyaar u yihiin difaaca dalka, ayna taageersan yihiin dowlada Soomaaliyeed.

Isku soo baxan ayaa qayb ka ah mid ay dadka Soomaaliyeed ku muujinayaan shucuurtooda kadib xadgudubkii ay Soomaaliya kula kacday dowladda Itoobiya.

Muqdisho ayaa waxaa sidaan oo kale shalay loogu qabtay dibad-bax ay ka qayb-galeen kumanaan kun, kaas oo uu soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir, waxaana looga dhiidhiyay heshiiska ay wada galeen Somaliland iyo Itoobiya ee Addis Ababa.

Xalay ayaa sidoo kale isku soo bax kale oo weyn, ayna ka qayb-galeen Fanaaniin caan ah lagu qabtay Isgoyska Taleex illaa Zoobe, kaas oo looga soo horjeeday damaca Itoobiya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa si weyn uga caroortay heshiiska badda loogu saxiixay Itoobiya, kaas oo xiisad weyn ka dhex abuuray labada dal oo ah kuwa daris ah.