SAWIRRO: Diyaarad sidda dhaawacyo halis ah oo ka soo degtay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshadda DFS ayaa magaalada Muqdisho soo gaarsiisay dhaawacyo daran oo laga soo qaaday magaalada Baydhabo.

Dhaawacyadan oo wax looga qabanwayay Isbitaalada magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu soo daadgureeyay diyarad khaasa oo ay dirtay dowlada Somalia waxaana la socday dhaawacyo aad u liitay.

Dhaawacyada oo ay ku jireen kuwo xubnaha go’ay ayaa waxaa la dhigay Isbitaalka Digfeer, halka qaarna la geeyay Isbitaalada kale ee magaalada Muqdisho.

Dhaawacyada qaar ayaa waxaa oogadooda ku yaala rasaas loo maleynaayo inay ku dhufteen ciidamada goobaha Qaraxa ka dhacay ka agdhawaa balse Saraakiisha Caafimaadka ee kusugan Isbitaalada la dhigay dhaawacyada ayaa ballanqaaday in lala tacaalayo.

Sidoo kale, dhaawacyada la keenay qaarkood ayaa la filayaa inay u baahan doonaan caafimaad dibadd ah waxaana xusid mudan in dhaawacyada qaarkood ay waxyeelo kasoo gaartay madaxa.