Sawirro: DOORASHO gacan taag ah oo MUQDISHO ka dhacday – Yaa kusoo baxay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa haatan ka socota doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuraasta deegaan doorashadooda ay tahay gobollada waqooyi.

Kursiga HOP#205 oo lagu bilaabay doorashada ayaa waxaa ku guuleystay Axmed Cabdi Kooshin, kadib markii ay u tanaasushay Muna Xusen Faarax oo la tartami laheyd.

Kooshin ayaa loo qaaday codeyn gacabn taag ah, wuxuuna helay 99 cod, sida uu shaaciyey guddiga maamulka doorashada kuraasta gobollada waqooyi (Somaliland).

Guusha xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin ayaa aheyd mid lasii oogaa, maadaama si gaar ah kursiga loogu xiray, si uu ugu biiro baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Kursiga labaad HOP#263 waxaa ku guuleystay Muuse Siciid Jaamac oo helay dhammaan codadka ergada oo ah 101, waxaana u tanaasushay, Khadra Cabdi Maxamed.

Sidoo kale waxaa cod gacan taag kusoo baxay xubna kala ah: Cali Maxamuud Aadan oo ku guuleystay kursiga HOP#240, Cali Cabdi Ibraahim oo ku soo baxay HOP#271 iyo Cabdiqani Ismaacil Siciid oo isna ku guuleystay kursiga tirsiigiisa uu yahay HOP#241.

Guddiga doorashada ee Somaliland ayaa ku howlan dadajinta doorashada, taas oo qayb ka ah fulinta heshiiskii doorashooyinka ee ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Si kastaba, doorashada Golaha Shacabka ayaa haatan si dardar leh u socoto, waxaana qorshaha uu yahay in lasoo gabagabeeyo 25 bishan Febraayo ee sanadka 2022-ka.