Xog: Saddex qodob oo Cali GUUDLAAWE uu ku xaliyay tabashadii reer Baladweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo waxgaradka Reer Beledweyne ayaa heshiis ka gaaray khilaafkii taagnaa mudadii sanadka aheyd ee sababay inuu Cali dhisi waayo xukuumad, inuu Beledweyne tagi waayo ama inuu xataa qabsan waayo xafladdii caleemka saarka.

Ciidan ay madaxtooyada geysay magaalada Beledweyne ayaa dhawaan sababay inuu Guudlaawe tago magaaladaas, iyadoo aysan dhicin wax rabshado ah.

Hadalkii koowaad ee uu jeediyey markii uu Beledweyne tagay ayaa kamid ah waxyaabaha furaha u noqday inuu wada-hadal la yeesho Bulshada Magaalada, gaar ahaan Beeshii tabashada qabtay.

Inkastoo arrintaan muddo laga soo shaqeenayey, haddana Cali wuxuu sheegay maalintaas inuu diyaar u yahay xallinta tabasho kasta haddii ay tahay mid beeleed, mid deegaan ama mid shakhsiyadeed.

Kulan muhiim ah oo ay Beledweyne ku yeesheen Cali Guudlaawe iyo cuqaashadii Beeshii tabashada qabtay ayaa lagu gaaray heshiis buuxa, sida uu maamulka faafiyey.

Muuqaalada lasii daayey waxaa ka muuqatay odayaasha Beesha oo cudurdaar bixinaya. Kulanka wuxuu ku bilowday in Cali laga raali geliyey in loo diiday inuu tago Magaalada Beledweyne.

Intaas kadibna waxaa loo gudbay qodobada muhiimk ah ee salka u ahaa tabashada, tabashada Beeshaan waxay bilaabatay markii ay waayeen kursigii hoggaanka maamulka HirShabelle iyadoo ay Jowhar isku heshay caasimaddii iyo hoggaankii maamulka.

3 qodob ayaa si buuxda oo loo dul istaagay kulankii ka dhacay Beledweyne, kuwaas oo la xaqiijiyey in is afgarad laga gaaray.

1- Caasimadda

Cali Guudlaawe waxaa la hor dhigay inuu caasimadda soo wareejiyo maadaama uu hoggaankii maamulka qaatay. Cali waxaa la sheegay inuusan arrintaasi diidin markii horana uusan diidmo ka qabin. Balse wuxuu sheegay inuusan isaga bixin karin oo ay tahay in sifo sharci ah loo maro oo loo baahan yahay codka 3/2 kamid ah xubnaha baarlamanka HirShabelle.

Cali Guudlaawe wuxuu odayaasha u sheegay inuu arrintaasi kala shaqeenayo uuna diyaar u yahay. 63 xildhibaan oo kamid ah baarlamaanka HirShabelle waxay kasoo jeedaan Gobolka Hiiraan, wuxuuna Cali u sheegay odayaasha inay taasi ka caawineyso in mashruucaan deg deg lagu hirgeliyo.

Oydaashii waxaa la sheegay inay ku qanceyn in arrintaasi loo wajaho si Baarlamaani ah.

2- Awooda hoggaamiye ku xigeenka maamulka

Cali Guudlaawe waxaa lagu xujeystay inuu awood badan heystay markii uu ahaa hoggaamiye ku-xigeenka maamulka HirShabelle, sidoo kalana ay beeshiisa heysatay wasaarado muhiim ah.

Waxaa la waydiistay inuu soo wareejiyo wixii ay isaga iyo reerkiisa heysteen markii uu ahaa hoggaamiye ku xigeenka maamulka, waxaa la sheegay inuu Cali taas aqbalay oo uu hoosta ka xariiqay.

3- Degmooyin cusub

Odayaasha waxay Cali Guudlaawe ka dalbadeen in degmooyin cusub la siiyo ama kuwa la magacaabay xilligii Cali Cabdullaahi Cosoble inuu sharciyadooda baarlamanka geeyo oo uu soo dhameystiro dagmanimadooda.

Waxaa la sheegay inuu Guudlaawe aqbalay qodobkaas isagoo xusay inay jiraan degmooyinka ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe oo iyaguna miiska saaran uuna isku dari doono sidaasna uu Baarlamaanka u gudbin doono si looga dhigo degmooyin rasmi ah.

Waxaa kaloo kulanka lagu soo hadal qaaday in kuraasta Golaha Shacabka ee taala Magaalada Beledweyne in doorashadooda ay si hufan oo caddaalad ah ay u dhacdo, iyadana waxaa la sheegay in mabda’ ahaan la isla qaatay.

Intaas ayaa ugu muhiimsanaa doodii Cali Guudlaawe iyo Reer Beledweyne, waxaana la sheegay inuu kulanka kusoo dhammaaday is calool fiyowbi leh.