Sawirro: Xasan Sheekh oo shaaciyey arrin muhiim ah oo ay la wadaagtay dowlad carbeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada ku qaabilay wefti ka socda dalka Cumaan, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Saldanadda Cumaan, Eng. Saciid Hamood Al-Maawali.

Wafdigan ayaa Soomaaliya u jooga sidii ay u sahmin lahaayeen fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, iyadoo ay noqonayso booqashadii ugu ballaarneyd ee masuuliyiin ka socota Cumaan ay ku yimaadaan Soomaaliya muddo ka badan 30 sano.

Cumaan waxay horumar la taaban karo ka samaysay kaabayaasheeda dhaqaalaha, iyadoo bixisay fikrado qiimo leh oo iskaashi ah. Soomaaliya iyo Cumaan waxay wadaagaan xiriir taariikhi ah iyo dhaqan.

Dhinaca kale, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Xildhibaan Maxamuud Aadan Geesood, ayaa isna qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka, Dekedaha iyo Tiknoolijiyadda Dowladda Cumaan, Saciid Bin Xaamud.

Kulanka Wasiirka Dekedaha ee Soomaaliya uu la qaatay wafdiga Cumaan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dhisi lahaa dhowr dekedood, oo ay kamid tahay Dekedda Hobyo, taas oo Dowladda Cumaan ay doonayso inay kaalin weyn ka qaadato maalgelinteeda.

Kulanka waxaa ka qeyb galay xildhibaano ka tirsan BFS, guddiga qaabilsan dhismaha Dekedda Hobyo, qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed, iyo Safiirka Cumaan ee Soomaaliya, iyagoo ay weheliyeen madax ka socota hay’ado ka aas-aasan dalka Cumaan oo danaynaya inay maalgeliyaan mashruuca dhismaha Dekedda Hobyo.

Wasiirka Gaadiidka & Dekedaha Cumaan iyo ku-xigeenkiisa ayaa si wadajir ah u ballan qaaday in Dowladda Cumaan ay si buuxda u maalgelin doonto dhismaha Dekedda Hobyo & dekedaha kale ee Soomaaliya ee u baahan dhismaha iyo maalgashiga, kuwaas oo kor u qaadi kara koboca dhaqaalaha iyo horumarka kaabayaasha gobolka.