Sawirro: Ethiopia oo kala guurka Somalia ka faa’iideysaneysa iyo sarkaalkii ka jooga Somalia oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia ayaa isbedel degdeg ah ku sameysay Sarkaalkii ugu sareeyay ee ka joogay Somalia, iyadoo la imaaday Sarkaal kale.

Sarkaalka ciidan oo ay bedeshay ayaa waxaa lagu magacaabaa Mohammedesha Zeyinu oo ku dhawaad hal sano ka howlgalaayay Somalia.

Mohammedesha Zeyinu oo la bedelay ayaa waxa uu sidoo kale ahaa ku-xigeenka taliyaha guud ee AMISOM dhanka hawlgalada iyo qorshaynta.

Mohammedesha Zeyinu, ayaa waxaa lagu bedelay major general Abreha Tesfay oo laga soo wareejiyay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Mohammedesha Zeyinu, oo ah ninka laga qaaday xilka ayaa kamid ahaa Saraakiil ay dhawaan dalacsiisay dowlada Ethiopia, waxa uuna iminka dib ugu laaban doonaa dalka Ethioipa isaga oo kaga sii gudbi doona xadka ay Ethiopia la wadaagto dalka Eriteria oo uu ka howlgali doono.

Isbedelkaani degdega ah ayaa waxa ay dowlada Ethiopia uga faa’iideysaneysaa xiliga kala guurka Somalia, waxa ayna ku taameysaa inay laba jibaarto ka faa’iideysiga Somalia.
ethiopia-1

ethiopia-2

ethiopia-3

ethiopia-4

ethiopia-5

ethiopia-6

ethiopia-7

ethiopia-8

ethiopia-9

ethiopia-10