Xog: Gaas oo faro-gelin uusan fileyn ay ka haysato soo xulida xubnaha aqalka sare

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa waxaa fuulay culees la xiriira xubnaha Puntland u matalaya baarlamaanka Soomaaliya.

C/Welli Gaas oo horey ra’iisul wasaare kaga soo noqday dalka ayaa iminka dareemaya culees kaga imaanaya musharixiinta dooneysa madaxweynaha Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada Puntland.

Xogo Caasimada online ay heshay ayaa sheegaya in musharax walbaa oo kasoo jeeda Puntland uu doonayo inuu doorweyn ku yeeshaa soo xulida xubnaha baarlamaanka maamulkaasi u matalaya.

Culeeska ugu daran ayaa waxaa Gaas ku haya ra’iisul wasaaraha dalka iyo madaxweynihii hore ee Puntland oo labadaba doonaya iney kaalin muuqata ku yeeshaan xubnaha Puntland matalaya.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Puntland ay dooneyso aqalka sare iney kaga mid noqdaan xubno uu kamid yahay Generaal Morgan iyo xubno kale.

Gaas ayaa saacado badan ku bixiyay kulamada la xiriira wakiilada Puntland ee baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
Caasimada@live.com