Xog: Maxaa ka jira in shirka Jowhar gabi ahaan albaabada la isugu dhufanayo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa waxa uu kasoo baxayaa shirka ka socda magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/Dhexe kaasi oo la sheegay in Gabi ahaan la hakin doono shirka.

Nabadoon Dacar Xirsi Nuur oo kamid ah Odayaasha Gobolka Hiiraan oo u waramaayay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in go’aan lagu gaaray in la hakiyo shirka ka socda magaalada Jowhar.

Nabadoon Dacar waxa uu sheegay in kulamadii ay la qaaten Wafdiga Dowlada lagu go’aamiyay qodobo dhowr ah oo leysku afgartay waxa uuna cadeeyay inuu jiro Heshiis dhigaaya in Shirka Jowhar leyska joojiyo isla markaana wakhti munaasab ah dib loo furo shirka.

Nabadoon Dacar oo u waramaayay idaacada SMN ayaa yiri ”Dabcan heshiisku qeybo kala duwan ayuu lahaa waxaana kamid ahaa in wadahadal toos ah ay la furaan Dowladda Federaalka Somalia”

”Heshiiska waxaa kamid ahaa in shirka Jowhar ee maamul u sameynta labada Gobol dib loo dhigayo isla markaana la qabanayo markii dalka ay ka dhacdo Doorashada Madaxtinimo kadib”

Haddalka Nabadoon Dacar waxa uu imaanayaa iyadoo la sheegay in Ergada qaar ay wali ka maqan tahay shirka, balse DFS iyo IGAD ay dafirayaan, waxaana muuqaneysa in shirka aan wali loo dhameyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com