Muqdisho oo gashay jawi cusub iyo xulista xubnaha aqalka sare oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo loogu jiro soo afmeerida xulista Aqalka Sare ee dalka.
Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa soo gaaray Xubno kasoo kala jeeda Gobolada dalka kuwaasi oo Goboladooda u raadsaday kamid noqoshada Aqalka Sare.

Hogaamiyayaasha iyo Ergooyinka soo xulaaya Aqalka Sare ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta Arbacada ah ay soo gudbiyaan Xubnaha Baarlamaanka gaar ahaan kuwa ka mid noqonaya Aqalka Sare.

Hogaamiyayaasha maamulada qaarkood ayaa dalbanaayo Muddo dheeri ah, balse waxaa lasoo sheegayaa in Guddiyada loo xilsaaray arrimahaasi ay diiden inay bixiyaan muddo dheeri ah.

Maamulada qaar ayaa iyaguna soo afmeeray xulistooda waxaana lagu wadaa in maalinta Arbacada ay la imaadan Liisaskooda si Xubnahaasi ay usoo galaan gacanta dowlada.

Dardar galinta howlahaani ayaa waxa uu si xooli ah iminka uga socdaa deegaanada ay ka arimiyaan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Guddiga doorashada heer maamul Goboleed ee Galmudug, ayaa iyagu Musharaxiinta Aqalka Sare ku wargaliyay inaysan u imaan iyagoo aan wadan dhaqaale dhan 10,000$ oo diiwaan galin ah.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa lawada sugayaa in maalinta Arbacada ah ay kala cadaan doonto cida kamid noqon doonta Aqalka Sare iyo Cidda ku hartay afgaabideeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com