Weerar Qaraxyo loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Juballand ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay weerar Qarax loo adeegsaday.

Wararku waxa ay sheegayaan in Qaraxyada lagu weeraray Xarunta Ciidamada Nabad Sugidda Maamulka Jubbaland, iyadoo halkaasi uu ka dhashay khasaaro kala duwan.

Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay Xarunta ay ciidamadu ku leeyihiin Xaafadda Guul-wade ee Magaalada Kismaayo.

Weerarka oo ahaa mid loo adeegsaday Bam gacmeedyo ayaa waxaa la sheegayaa inay ku dhaawacmeen ku dhawaad laba Askari, halka sidoo kale uu ku dhintay mid kale.

Weerarka kadib howlgalo ay sameeyen Ciidamada Jubbaland ayaa waxaa lagu soo qabtay inkabadan 10 dhalinyaro kuwaasi oo lala xiriirinaayo weerarka Bambaano.

Maamulka iyo Saraakiisha ayaan wali ka hadal waxaana lasoo sheegayaa in weerarkaasi uu yahay kii ugu horeeyay oo lagu qaado xarun ay leeyihiin ciidamada NISA ee Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com