24.9 C
Mogadishu
Thursday, June 12, 2025

Sawirro: Falastiin oo safiir u soo dirsatay Soomaaliya iyo Xasan oo aqbalay 8 danjire

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaal cusub oo ku soo biiray diblomaasiyiinta ka howlgala Soomaaliya, kuwaas oo gaaraya 8 Danjire.

Falastiin ayaa burburkii kadib markii ugu horeysay Soomaaliya u soo dirsatay safiir rasmi ah, waxaana arrintaas si weyn u soo dhaweysay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa Falastiin fagaarayaasha caalamiga ah ugu muujisay taageero iyo garab istaag rasmi ah, iyadoo weliba dalal carbeed oo awood badan ay ka gaabsadaan arrinta Falastiin.

Rowaid Adil Mohamed oo ah Danjiraha cusub ee Falastiin ayaa kamid ahaa safiirrada maanta uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka guddoomay warqadaha aqoonsiga, wuxuuna madaxda Soomaaliya soo gaarsiiyey salaan iyo dhambaal uu hoggaamiyaasha Falastiin ka siday.

Hoggaamiyaasha Falastiin ayaa mar walba Soomaaliya uga mahadceliya garab istaageeda, maadaama adduunka dhan oo Israa’iil iyo Mareykan ka baqaya ay gardarada lagu hayo shacabka reer Falastiin ka gaabsadaan, halka dowladda Soomaaliya ay mar kasta ku dhiirato in go’aano cad ay ku garab istaagto qadiyadda Falastiiniyiinta.

Danjireyaasha kale ee Madaxweynuhu uu maanta ka guddoomay warqadaha aqoonsiga ayaa kala ah:

1. Amb. Abdirahman Khalil Ahmed – Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Sudan

2. Amb. Morakot Janemathukorn – Danjiraha cusub ee Thailand

3. Amb. Bernard Yohana Kibesse – Danjiraha cusub ee Tanzania

4. Amb. Ana Filomena da Costa Rocha – Danjiraha cusub ee Portugal

5. Amb. Martin K. NGOGA – Danjiraha cusub ee Rwanda

6. Amb. Mahi Boumediene – Danjiraha cusub ee Algeria

7. Amb. Matsuura Hiroshi – Danjiraha cusub ee Japan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee Soomaaliya la leedahay dalalka ay danjireyaashani ka socdaan, si loo adkeeyo iskaashiga diblomaasiyadda, dhaqaalaha, horumarka iyo amniga.

Danjireyaasha warqadaha laga guddoomay ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo dowladda Soomaaliya soo dhoweynta diirran, iyagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in ay dadaal ku bixiyaan horumarinta xiriirka ay dalalkoodu la leeyihiin Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News