Sawirro: Farmaajo oo Kismaayo loogu soo dhaweeyay si ka duwan soo dhaweenadii Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafti ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diiran Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ugu soo dhaweeyey Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa waxaa ka qayb qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya iyo boqolaal shacab ah oo gudaha u galay Garoonka Kismaayo.

Dadweynaha loo diyaariyay inay soo dhaweeyan Madaxweynaha ayaa goortii uu kasoo degay Garoonka u dhaqaaqay dhanka Madaxweynaha iyagoo wajiyadooda ay ka muuqdeen dareen xamaasadeysan.

Soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo ayaa aad uga duwaneyd soo dhaweenadii loo sameyn jiray Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, waxa ayna tani kaga duwaneyd in la xakameyn waayay shacabkii qeybta ka ahaa soo dhaweynta Madaxweynaha.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulamo la qaadan doona Madaxda Jubbaland,Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada kunool Magaalada Kismaayo.

Kismaayo ayaa noqoneysa Magaaladii afaraad ee uu booqdo Madaxweyne Farmaajo oo hore safaro ugu tagay Magaalooyinka Baydhabo,Cadaado iyo Afgooye.

Maxay xagjiriinta u kordhiyaan weerarada bisha Ramadan, maxayse diinta ka qabtaa?