28.1 C
Mogadishu
Thursday, January 22, 2026

Sawirro: Farmaajo oo si aan caadi aheyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Doha

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed ”Farmaajo”, ayaa galabta u amba baxay Magaalada Doha ee dalka Qatar.

Madaxweynaha iyo wefdigiisii oo ku sugnaa dalka Jabuuti, ayaa diyaarad gaar ahi ka raacay Garoonka Magaalada Djibouti.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku qotoma sidii dowladda Soomaaliya ay taageero amni iyo mid dhaqaale uga heli lahayd dalalka Qatar.

Madaxweynaha ayaa waxaa la filayaa in maalinta Berri ah uu kulamo la qaataan Boqorka dalka Qadar iyo Mas’uulyiin kala duwan.

Booqashadan uu Madaxweynaha Soamaliya ku tagay dalka Qadar ayaa noqonaya booqashadii 10aad ee uu ku tago Wadamada Caalaamka.

Waxa uu horay u sheegay in Safarada badan ay yihiin kuwo lagu soo celinaayo xiriirka Caalamig ah.

- Advertisement -

Read more

Local News