30.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xildhibaan sheegay in DF ay ka gaabisay hal arrin oo muhiim ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Yuusuf Ibraahim Afrax oo loo yaqaan ”Kabaale”, ayaa dhaliil xoogan u jeediyay dowlada Somalia, kadib markii uu sheegay inay ka gaabineyso in dhaqaalihii loogu dhiibay dadka tabaaleysan aysan weli gaarsiin.

Xildhibaanka ayaa sheegay inay jiraan kumanaan qof oo aan heysan cuno, dawo iyo daryeel ay ku noolyihiin duleedka magaalada Muqdisho, kuwaa oo aan wali la gaarsiin deeqihii uu caalamka usoo mariyay DFS.

Xildhibaanka waxa uu sheegay inay jiraan dad farabadan oo aan heysan cuno iyo dhar, waxa uuna DFS ku dhaliilay inaysan iska xil saarin, isla markaana ay si nadiif ah u gaarsiin deeqda loo soo mariyay.

”DFS dhaliil wey muteysan kartaa waxaan ku dhaliilayaa inay si cad uga gaabineyso wax ka qabashada xaalada dalka, waxaa nasiib darro ah in dadka tabaaleysan aan weli la gaarsiin deeqihii loogu soo dhiibay dowlada”

”Nasiib darada ugu weyn waxa ay tahay in bakhaarada qaar ay weli ka buuxan deeqihii loogu tallo galay dadka liita, hadana ay jiraan dad weli la il daran baahi, dawo la’aan iyo caafimaad darro waxaa arrintaasi wax laga weydiin doonaa dowlada oo mas’uul ka ah”

Xildhibaan Kabaale, waxa uu Madaxda dalka ugu baaqay in deeqaha ku jira Bakhaarada ay ku faarujiyaan dadka aan heysan qutulyoomka, waxa uuna cadeeyay in indhihiisa uu kusoo arkay dad aad u liita oo aan laba wakhti waxba cunin.

Haddalka Kabaale ayaa kusoo beegmaaya xili inkabadan 13 dal ay DFS uu deeqeen dhaqaale iyo raashiin badan oo loogu tallo galay dadka ay abaartu saameysay, hase yeeshee ay weli jiraan kumanaan qoys oo la il daran baahi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News