Gaalkacyo (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo, ayaga oo xal u raadinaya khilaafka siyaasadeed ee Galmudug.
Xubnaha oo isugu jira Senatarro iyo Xildhibaano ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Cabdisaabir Shuuriye, Mahad Salaad, Axmed Macallin Fiqi, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow iyo Senator Yuusuf Geelle Ugaas.
Xubnahan ayaa waxaa Gaalkacyo soo dhaweeyay mas’uuliin uu horkacayo Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, maamulka degmada, Odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada.
Wafdiga Xildhibaannada ee ka amba baxay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa isku dayay inay Axmed Ducaale Geelle Xaaf, oo weli sheeganaya madaxweynaha Galmudug ay ku qanciyaan inuu u tanaasulo Qoor Qoor.
Xildhibaanada Mucaaradka ee ka soo horjeeday doorashadii Axmed Qoorqoor ayaa dhowaan tagay Dhuusamareeb ayaa taageeray qorshaha dib u heshiisiinta ee uu waday Madaxweynaha Galmudug, si dhammaan dadka reer Galmudug uga shaqeeyaan danaha deegaanada iyo isku duubinada meelna la iska dhigo khilaafaadka, si Galmudug loogu soo dabaalo horumar iyo nabadgelyo.
Qoor Qoor ayaa la sheegay inuu doonayo in Xaaf uu si rasmi ah xilka ugu wareejiyo, taasi oo ah sababta aan illaa hadda loo caleemo-saarin laba bil kadib markii la doortay.