Somaliland oo si kulul uga hadashay kiisaska ay DF uga diiwaan-gelin weyday WHO ee Coronavirus-ka

Hargeysa (Caasimada Online) ―Xukuumada Somaliland ayaa maanta jawaab adag ka bixisay hadal shalay ka soo yeeray dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo ku aadanaa Labada kiis ee Coronavirus ee deegaanadeeda ka heshay.

Somaliland ayaa sheegtay in talaabada ay dowladda Soomaaliya u aqoonsan weyday Kiisaskaasi, ay tusineyso heerka cadownimo ee ay u qabaan Somaliland.

Marwo Hinda Xersi Gaani, Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland, oo arrintaasi ka hadleysay ayaa ka dhawaajisay inaysan waxba ugu baahneyn dowladda federaalka.

Hindi Gaani ayaa sheegtay in Madaxda dowladda federaalka aysan dhab ka aheyn Soomaalinimadu, maadama ay iska indho tireen xaalada cakiran ee reer Somaliland wajahayaan, sida ay hadalka u dhigtay Wasiiradu.

“Qofka kuu diidey in deegaannadaada laga helay COVID-19 kuuna aqoonsan maayo kuleh bal muxuu kuu qaban karaa, halka laga sugayey inay yidhaahdaan Somaliland waa dal yar ee aan u duceyo ee haloo gurmado” ayey tiri Wasiir Hinda Gaani.

Waxayna intaasi sii raacisay “Haddii ay Soomaalinimada dhab ka tahay may dhaheen Somaliland ma qabto Coronavirus ee ha loo gurmado ayey odhan lahaayeen”.

Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Soomaaliya oo shalay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaysan aqoonsaneyn Kiisaskaasi laga helay Somaliland, madaama uu xusay inay ku kalsooneyn awooda xaqiijinta Coronaha ee Somaliland.

Waxaana xusid mudan in Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO ay xalay ku dartay liiska tirada cudurka Coronavirus, iyada oo labada kiis ee Somaliland la raaciyey Soomaaliya, maadama aan loo aqoonsaneyn dal ka madax-banaan Soomaaliya.