Sawirro: Gaari laga soo buuxiyay Qaraxyo noocooda aan horay loo arag oo Muqdisho lagu qabtay

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ku qabtay Gaari noociisa lagu sheegay SONNA oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa.

Ciidamada NISA oo kaashanaayay xogo ay ka heleen shacabka magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay gaarigaasi oo loogu tallo galay in lagu haligo shacabka aan waxba galabsan.

Gaarigaani ayaa waxaa la dhigay goob aad u mashquul badan oo ku tiilay Degmada Boondheere, waxaana la sheegay in Qaraxa gaarigaasi lala sugaayay xiliga ay isu soo baxaan dadka deegaanka.

Gaariga oo u diyaarsanaa Qarax ayaa waxaa laga soo buuxiyay Qaraxyo loo adeegsan lahaa Fuusto, Miinooyin, Haamo, Jawaano biro iyo boolal laga soo buuxiyay RPJ iyo qoryo kale.

Guddoomiyaha Degmada Boondheere Qaasim Cabdulle Xasan, ayaa sheegay in dadka shacabka ah ay kusoo wargaliyeen sidaana uu xogta ula wadaagay ciidamada NISA.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
Qarax1

Qarax2

Qarax3

Qarax4

Qarax5

Qarax6

Qarax7

Qarax8

Qarax9

Qarax10

Qarax11

Qarax12

Qarax13

Qarax14

Qarax15

Qarax16

Qarax17