Sawirro: Xasan Sheekh iyo CC oo Villa Somalia ku qaabilay Subagle

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid ayaa maanta qaabilay Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM General Cusmaan Noor Subagleh oo dhawan loo magacaabay xilkaasi.

General Cusmaan Noor Subagleh, ayaa waxaa wehlinaayay ku-xigeenkiisa General Zeyinu Mohameddesha iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Hogaanka cusub ee AMISOM.

Xassan Sheekh iyo Sharmaarke ayaa Taliyaha cusub iyo Ku-xigeenkiisa ka dhageystay qaabka ay u doonayaan inay u shaqeeyan iyo shuruucda ay dowlada Somalia u dejisay ciidamada AMISOM ee Somalia ka howlgala.

General Cusmaan Noor Subagleh, ayaa Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Ra’isul wasaare Sharmaarke u sheegay in qorshahooda uu yahay inay tixgaliyaan shuruucda dowlada Somalia u degsan, waxa uuna sidoo kale sheegay inaanu ka weecan doonin nidaamka ay ku shaqeyn jireen kuwii ka horeeyay.

General Cusmaan Noor Subagleh, waxa uu sheegay inay ka go’an tahay inay laba jibaaran howlgalada ay u joogan Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul wasaare Cumar, ayaa gacmo furan kusoo dhaweeeyay Taliyaha cusub, waxaana ay u rajeeyen shaqo wanaagsan.

Xassan Sheekh iyo Sharmaarke ayaa General Cusmaan Noor Subagleh ugu baaqay inuu daacad u noqdo Somalia oo ah dalkiisa labaad.
xasan1

xasan2

xasan4

xasan5

xasan6