Odayaal dacwo ka ah A/Madoobe oo weji gabax kala Xasan Shiikh

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan uu la kulmay Odayaal dacwad ka ah Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Odayaashaani ayaa Madaxweyne Xassan u sheegay in Axmed Madoobe uu maankiisa kasoo xulaayo xubnaha Jubbaland u matali lahaa Baarlamaanka iyo Aqalka Sare dalka.

Odayaasha ayaa Madaxweynaha u sheegay in Axmed Madoobe uusan tallo iyo tusaalaba la wadaagin, waxa ayna u carab dhabeen in xubnaha uu iminka diyaarinaayo uusan latashi kala sameyn Odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda beelaha uu xubinimada la doonaayo Madoobe.

Madoobe ayey sidoo kale ku eedeeyen in Odayaasha qaar uu ka mamnuucay Madaxtooyada iyo Xarumaha lagu diyaarinaayo xubnaha lasoo xulaayo, iyaga oo Madaxweyne Xassan ka dalbaday in arrintaasi uu wax ka qabto.

Odayaasha ayaa cabashadooda intaa ku daray in Axmed Madoobe uu la imaaday xubno isaga ku xiran oo u dhaga nugul siyaasadiisa, waxa ayna Xassan Sheekh u cadeeyen inaanu Odayaasha mas’uul ka noqon doonin wixii halkaasi ka dhaca.

Sidoo kale, Madaxweyne Xassan oo ka jawaab celinaaya dacwada ayaa Odayaasha u sheegay in xiliga la joogo aysan DFS faragalin ku sameyn karin sida ay maamulada wax usoo xulayaan waxa uuna ka dalbaday inay la midoobaan Hogaamiyayaasha maamulada.

Xassan Sheekh waxa uu Odayaasha u sheegay in wakhtiga harsan uusan saamaxeynin in faragalin lagu sameeyo xulista ay wadaan maamulada dalka, waxa uuna u deyriyay Odayaasha.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa ku baaqay in Odayaasha aysan ka hor imaan qaabka ay maamulada dalka wax u wadaan bacdamaa wakhtiga uu yahay mid aad u yar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com