Dhacdo aad u fool-xun oo maanta ka dhacday dalka Kenya kadib…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdadaani foosha xun ayaa ka dhacday magaalada Nifasha ee dalka Kenya, kadib markii Nin u dhashay magaaladaasi uu gubay Xaaskiisa.

Gubista Haweeneydaasi ayaa waxaa sabab looga dhigay markii ay ku dhaqaaqday inay bedesho Baswerka Facebooga ninkeeda.

Ninkaani ayaa Xaaskiisa saliid aad u kulul uga shubay wajiga xili ay ku howlaneyd karinta kaluun dabka u saarnaa, waxa ayna warbaahintu sheegtay in xiliga la gubaayay Haweeneydaasi ay daawanayeen carruurtii ay dhaleen oo tirro ahaan lagu sheegay laba carruur ah.

Haweeneyda falkaasi lagu sameeyay ayaa magaalada Nifasha ku iibin jirtay dharka Huudheyda ah, waxa ayna halkaasi ka dabari jirtay nolol maalmeedka qoyskeeda.

Waxaa Haweyneydaasi la dhigay isbitaalka waxa ayna lumisay mid kamid ah indhaheeda, iyadoo ay u gurmadeen dadka deriska la ah.

Dr Joseph Mburu oo ah dhakhtarka gacanta ku haya Haweyneydaasi ayaa sheegay in xaaladeeda ay tahay mid laga fiican yahay islamarkaana ay iminka ku jirto koomo.

Dhakhtarka waxa uu sheegay in qoyska Bukaanka ay u sheegen in gabadhooda loo gubay keliya Baswerka Facebooga uu isticmaalo ninkeeda oo ay bedeshay.

Meelaha ugu badan oo ay ka gubatay ayaa waxaa kamid ah Luqunta, dhabarka iyo Wajiga.

Isha The Star

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com