UNDP iyo DFS oo la’ lacag lagu qabto doorasho iyo caalamka oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay sii kordhinayaan walaaca ay ka muujinayaan dib u dhaca ku yimaada doorashada sanadkaan, dib u dhacaasi oo ay ku eedeynayaan in dowlada Soomaaliya masuul ka tahay.

Xildhibaan Cabdi Cali Xasan, oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya iyo beesha caalamka aysan haynin dhaqaalaha loogu talo galay in doorashada sanadkaan lagu qabtaa, sida uu sheegay xildhibaanka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in waxba aanan la hergelin jadwalkii doorashada sanadkaan oo ay isku raaceen madaxda madasha wadatashiga ilaa iyo haddana aysan muuqan wax dhaqdhaqaaq ah oo ay sameynayaan madaxda dowlada oo qorshaha isla wada, sida uu sheegay.

Wuxuu sidoo kale sheegay in kulan ay la qaateen hayada UNDP iyo xubno beesha caalamka ayna u sheegeen ineysan heynin dhaqaalaha loogu talo galay in doorashada sanadkaan lagu qabtaa.

“Shirkii ugu dambeeyay oo aan ka qeyb galay ee loogaga hadlayay arrimaha doorashada, UNDP waxay sheegtay ineysan haynin lacagtaas doorasho lagu galaayo, lacag illaa 4 Milyan oo kaliya iney hayaan, taasi waxay noqon kartaa caqabad aysan xukuumaddu heli Karin geesinimo ay ugu dhawaaqdo iney doorashada, illaa la helo kharashkii lagu qaban lahaa”, ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaanka ayaa dhinaca kale shegay in eeda dib u dhaca doorashada sanadkaan haddii ay dhacdaa ay leedahay beesha caalamka oo uu sheegay ineysan diyaarin dhaqaalaha loogu talo galay in lagu qabtaa doorashada sanadkaan.

“Eedda waxaa qaadnaya saaxiibadda Soomaaliya oo dhaqaalihii loogu talogalay aan keenin, xukuumadda iyo hay’adda fulinta guud ahaanteedu iyo madasha madaxda iskugu timid waxaa waajib ku noqoneysa shirka markay iskugu yimaadaan tabartoodu intey tahay iney ku tashadaan, haddii lacag la waayo waxaa laga maarmaan noqoneysa in lagu daro wakhti inta lacag laga helayo”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com