Xog: Dabageed oo ka hor-yimid maamulka cusub ee reer Hiiraan

Beledweyne (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ka hor imaaday go’aanka ay Odayaasha Hiiraan ku dhisayaan maamulka cusub oo ay kaga madax-banaanaan doonaan dowlada Somalia iyo maamulada kale ee dalka ka jira.

Yuusuf Axmed Hagar ”Yuusuf Dabageed” oo ah Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, ayaa sheegay in maamulka uusan aqbali doonin in Gobolka Hiiraan looga dhabaaqo maamul aan dhisitaankiisa la socon dowlada Somalia.

Dabageed waxa uu sheegay in Gobolka Hiiraan aan laga hirgalin karin maamul ka madax-baanaan dowlada waxa uuna tilmaamay in Hiiraan ay ka taliso dowlada Somalia, sidaa aawgeedna aysan aqbali doonin maamul kale.

Waxa uu sheegay in maamulka uu qaadi doono tallaabo lid ku ah Odayaasha Hiiraan waa haddii ay faragalin ku sameeyaan nidaamka u degsan dowlada, gaar ahaan maamulka Hiiraan.

“Waxaa u arkaa in go’aanka odayaasha uu yahay mid aan laga fiirsan waxaan cadeynayaa in Hiiraan aan laga dhisikarin maamul aan raali ka aheyn dowlada Somalia, cidii isku daydo inay dhisto maamulkaasi ay la kulmi doonto caqabad”

“Odayaasha inta xad ah waan tixgalineynaa balse haddii ay dhacdo inay ka talaabaan sharcida waxaan anaguna ka tagi doonaa sharciga oo waan iska qaban doonaa”

“Hiiraan waxaa kamamnuuc ah in laga dhiso maamul aan waxba aysan kala socon dowlada”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com