29.9 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Sawirro: Gaas oo iska tuuray calanka Somalia & sirtii Ethiopia ee Soomaaliya soo shaac baxday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) oo ku sugan dalka Itoobiya ayaa ka tegay calanka Soomaaliya oo qaatay calanka maamulkiisa Puntland, waxaana la arkayay calanka Itoobiya iyo kan Puntland oo is barbar yaala goobo uu booqday C/weli Gaas oo isugu jira shirkado iyo kaabayaal dhaqaale oo Itoobiya leedahay.

Arrinta la yaabka leh ee meesha ka muuqata waa in Puntland u dhaqantay sida dowlad ka madax bannaan Soomaaliya iyadoo Itoobiyana ay u sahashay rabitaankaasi, taasoo fadeexad ku ah shaqsiyadda Madaxweyne Gaas oo noqdey Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Waxaa laga yaabaa wafdiga Puntland ee Itoobiya ku sugan inay sharaf u arkaan arrintan halista ku ah qaranimada Soomaaliya oo soo baxday xilli ay C/weli Gaas hore u sheegay inay furan tahay inay Soomaaliya ka go’aan…!! Waxay sidoo kale tani caddeeneysaa damaca Ethiopia ee ah dowlado tiro-badan oo Soomaaliya kasoo baxa.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA

gaas et1gaas et2gaas et3gaas et4

- Advertisement -

Read more

Local News