Sawirro: Galmudug iyo Ahlu-Sunna oo heshiis horudhac kala saxiixday

Jabuuti (Caasimadda Online) – Dalka Jabuuti Goordhow waxaa heshiis horudhac ah ku gaaray maamulada Galmudug iyo Ahlusunna.

Sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta labada dhinac Heshiiskaan ayaa ka kooban dhowr qodob, waxaana lagu waddaa in si rasmi ah loo shaaciyo todobaadkaan Gudihiisa.

Laba dhinac ayaa imaan doona Magaalada Muqdisho, waxaana ay la kulmi doonaan Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya kadibna waxaa lagu dhawaaqi doono Heshiiska.

Labada dhinac ayaa wada hadal uga socday muddo 8 cisho ah dalka Jabuuti, waxaana wada hadaladan garwadeen ka ahaa Urur Goboleedka IGAD.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxweynaha Maamulka Ahlusuna Sheekh Maxamed Shaakir ayaa kala saxiixday heshiiskan.

Waxaa saxiixa heshiiskan goobjoog ka ahaa Xubno ka socday Ahlusuna, Galmudug, dowladda Federaalka iyo IGAD.

Ahlusuna iyo Galmudug ayaa isu soo dhowaansho ka muujiyay khilaafaad horay u ragaadiyay labada dhinac, waxaana haatan isku raaceen inay ku midoobaan maamul mid ah.