Wasiir shaaciyay halka ay ku kala noolyihiin siyaasiyiinta mucaaradka ku ah DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Somalia Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka hadashay dhibaatooyinka ay dhinacyada mucaaradka ku hayaan dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Wasiir Khadiijo, ayaa sheegtay inay jiraan mucaarad badan oo doonaaya inay carqalad galiyaan dowlada oo ay sheegtay inaan la heleynin mid dhaanta marka loo eego nabada iyo nidaamka ay ka dhalisay Somalia.

Waxa ay Khadiijo sheegtay in mucaaradka hadda jira ay yihiin kuwo keliya doonaaya inay cuuryaamiyaan rajada ay shacabka Soomaaliyeed ka qabaan dowladnimada, waxa ayna tilmaantay in ujeedkooda uu yahay inay arbushaan xasiloonida ka jirta dalka iyagoo adeegsanaaya waxyaabo aan salka ku heyn xaqiiqda.

Khadiijo, waxa ay cadeysay in mucaaradka ugu badan ee dowlada ay iminka yihiin kuwo ku kala sugan dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabta.

Mucaaradka ayay sheegtay inay aaminsan yihiin in kuraas ay ka waayen dowlada hadda jirta, balse taasi ay tilmaameyso daciifnimo heysta kuwa xilalka ku raadinaaya inay mucaaradaan dowlad ay ku hoos noolyihiin malaayiin shacab ah.

Waxa ay sheegtay in kuwa badan oo mucaarad ah ay lacago ku soo qaataan sida dowladda loo dumin lahaa isla markaana horay u hagar daameyn jiray dowladihii dalka soo maray.

‘’Kuwa mucaaradka ah waxa ay horay usoo dhabar jabiyeen dowladihii hore, waxaanba tusaale usoo qaadankaraa xitaa inay igu cadaadiyeen inaan iscasilo’’

Sidoo kale, waxa ay soo hadalqaaday wararka sheegaya in Mooshin laga wado Madaxweyne Farmaajo, waxa ayna tilmaantay in dowladu tahay mid isku xiran oo aan lagu ridi Karin Mooshin.

Haddalka Wasiir Khadiijo ayaa kusoo beegmaaya xili ay dowlada Somalia dhexda kaga jirto caqabado Siyaasadeed oo mar waliba saameyn ku yeelankara haddii aan loo helin xal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com