Daawo Sawirrada: Xisbi siyaasadeedyadii ugu horeeyey Somalia oo maanta si rasmi loo diiwaan geliyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa shahaadooyinkooda aqoonsiga diiwaangelinta maanta siiyay 8 xisbi siyaasadeed, iyadoo munaasabad arrintan ku aadan ay ka socoto mid kamid ah hoteellada magaalada Muqdisho.

Xisbiyadan la siiyey Shahaadooyinkan ayaa waxay soo buuxiyeen shuruudihii la hordhigay.

Munaasabaddan waxaa ka qeybgalaya guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Qadar, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.

48 sano kadib ayaa dalka waxaa laga hirgelinayaa nidaamka xisbiyada badan, oo la doonayo in sanadka 2020 ay doorashooyinka Soomaaliya nidaamkaasi u gudbaan.

Hanaankan billowday ayaa waxuu bud-dhig u yahay geedi socodka doorasho hal qof iyo cod ah oo la filayo in dalka ay ka dhacdo 2020-ka, si looga gudbo 4.5, oo tan iyo burburkii awooda lagu qeybsanayay.

Shuruudaha ugu waaweyn ee xisbiga laga doonayao ayaa kamid ah xaruntiisa dhexe ay noqoto magaalada Muqdisho, islamarkaana uu laamo ku leeyahay guud 18-ka gobol dalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka Xaaliimo Yarey ayaa sheegtay nidaamka xisbiyada badan oo laga hergeliyo dalka ay muhiim u tahay doorashada 2020, taasi oo caqabado badan oo horyaallaan.

Xaliimo ayaa ugu baaqday Xildhibaannada iyo xubnaha kale ee dowladda laga doonayo in ay xisbiyo ka soo galaan siyaasadda dalka, halka hadda ay keenaan Odayaasha Qabaa’ilka.

Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadeed ayaa kusoo beegmaysa, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Xildhibaanno iyo Wasiiro katirsan Xukuumadiisa ay doonayaan inay sameystaan Xisbi Siyaasadeed.

Madaxda kale ee ugu sareysa dowladda ayaa sidoo kale wado qorshooyin ku saabsan aas-aasida Xisbiyo Siyaasadeed, oo ay doorashada 2020-ka ku tartami doonaan.

Halkaan hoose ka arag sawirada: