Cadaado (Caasimada Online)-Maamulka Galmudug ayaa goordhow magaalada Cadaado ee xarunta KMG Galmudug kusoo bandhigay Haweeneydii kasoo jeeday dalka Kenya ee laga soo fakiyay Maleeshiyaad Burcad ah.
Haweeneydani lagu soo bandhigay magaalada Cadaado ayaa waxaa magaceeda lagu sheegay Loise Njoki Weru oo ah haweeney Kenyan oo muddo Hal sano iyo Bar u qafaalneed koox burcad ah.
Haweeneydaani ayaa waxaa gacanta Burcada kasoo saaray ciidamada Nabadsugidda Qaranka oo xalay hawlgal ay ka fuliyeen deegaanka Camaara ee gobolka Mudug.




