26.8 C
Mogadishu
Thursday, May 28, 2026

Xog: Xasan oo wada-hadal la furaya musharaxiinta qaar + Ujeedka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Shabakada Caasimada Online ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu wado dadaal uu wadahadal kula furaayo Musharaxiinta qaar.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Xassan uu arrintaasi u adeegsanaayo xubno uu kamid yahay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banadir Tarsan.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Madaxweyne Xassan uu ballanqaadyo u sameynaayo Musharaxiinta ku hamineysa inay wadahadal la furaan.

Ballanqaadyada ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay in Musharaxiinta qaata wadahadalada loo celsho dhaqaalaha kaga baxay ololaha ay hadda ku jiraan.

Musharaxiinta qaar ayaa waxaa ku jira kuwo meyl adag oo ku adkeysanaaya inay isu soo taagan doorashada madaxtinimo.

Madaxweyne Xassan ayaa awooda ugu badan saaray ololihiisa iyo inuu wadahadal la galo Musharaxiinta ay suuragalka tahay inay qaatan tanaasulka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News