29.9 C
Mogadishu
Thursday, May 28, 2026

Xog: Xasan Sheekh oo diiday sharciyeynta guddigii dhawaan la dhisay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo ay heshay shabakada Caasimada Online ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu laalay Sharciyeynta Xubnaha Guddiga Saxaafadda Qaranka ee dhawaan la dhisay.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweynuhu uu dalbaday in wakhti kale laga dhigo saxiixida Guddigaasi, isagoo mar marsiyo ka dhigay inaanu heyn wax wakhti ah.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale ku andacooday in iminka uu yahay ku sime maadaama uu wakhtiga uu ka dhamaaday, waxa uuna Saxiixida Guddiga u daayay Dowlada Cusub ee isaga bedeli doonta, sida ay xogtu tibaaxeyso.

Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan uu si kutallo gal ah u diiday saxiixida Guddiga, kadib markii uu muran ka dhashay hanaanka xubnaha Guddiga loo xulay.

Maamul Goboleedyada iyo qaar kamid ah Shirkada Warbaahineed ayaa iyaguna diiday Gudiga oo la sheegay inaanu loo xulin qaab cadaalada ku saleysan.

Sababta ugu weyn uu Xassan Sheekh u saxiixi waayay Guddiga ayaa lagu sheegay inay tahay cadaalad darro ay ka cabanayaan Shirkadaha Warbaahineed iyo Maamul Goboleedyada.

Dhinaca kale, bishii June 18-dii waxaa aqoonsiga Guddigaasi ka hor imaaday Golaha Wasiiradda ee Maamulka Puntland oo sheegay in Guddiga uu yahay mid aan sharciga la waafajin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News