Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Turkiga ayaa mar kale qaaday talaabo ay Shaqada kaga erineyso kumanaan kun oo ka howlgala xarumaha Dowlada.
Dowlada ayaa mar kale waxa ay shaqada ka cayrisay in ka badan 10,000 oo shaqaale rayid ah kuwaasi oo lagu eedeeyay ku lug lahaanshiyaha Afganbigii dhicisoobay.
Shaqaalahan la eryey ayaa isugu jira Aqoonyahan, Macalimiin, Barayaal iyo Shaqaale Caafimaad.
Dowlada Turkigu waxa ay sidoo kale horay u ceyrisay in ka badan 80,000 oo shaqaale rayid ah, waxaana ku jiray kuwo lagu ilaabay Xabsiyada.
Sidoo kale, 15 warbaahin oo inta badan ka hadasha K/bari ee dalkaasi ayaa iyagan albaabadda loo laabay.
Madaxweynaha Turkiga Recep Dayyib Erdogan, ayaa horay u sheegay inay la dagaalami doonaan dhammaan dadka ku xiran Fatxullah Gulen oo ahaa wadaadka ka danbeeyay Afganbigii Turkiga ka dhacay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

