Sawirro: Geelle iyo Afwerki oo ugu danbeyntii kulmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa caawa magaalada magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya sanado badan kadib kulan khaasa ku yeeshay Madaxweynayaasha Eriterea Isaias Afwerki iyo Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka labada Madaxweyne oo ahaa mid saacado qaatay ayaa waxaa looga wadahadlay xal u helida mugdiga Siyaasadeed ee kadhex jira labada dal iyo in Heshiis laga gaaro khilaafka, Dhulka iyo Maxaabiista ay kala heystaan labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa kulanka hordhaca kadib la arkaayay iyagoo is gacan qaadaya isla markaana wada dhoola cadeynaaya.

Adel al-Jubair oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa sheegay in labada dal looga maarmi waayay inay xal ka gaaran khilaafkooda.

Adel al-Jubair, waxa uu sheegay in dowladiisa ay guulo la taabankaro ka gaari doonto khilaafka labada dhinac, waxa uuna carab dhabay inuu jiro Isfahan weyn.

Labada dal ayaa dib u soo celinaya xiriirkii diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeyay, iyadoo laga heshiinayo colaadii soo jiitameysay ee muranka xuduuda labada dal.

Is araga labada Madaxweyne ayaa daba socda Heshiis taariikhi ah oo shalay ay wada gaaren dowladaha Eriterea iyo Ethiopia, waxaana la filayaa in marka uu dhamaado kulamada ay yeelanayaan Madaxda Jabuuti iyo Eritrea ay heshiis kala saxiixdaan.

Boqorka dalka Sucuudiga ayaa ka shaqeeyay kulansiinta Labada Madaxweyne ee deriska ah, waxaana Boqortooyada Sucuudi ay door weyn ka qaadatay inay soo afjarto colaad u dhaxeysay dalalka ku yaalla Geeska Afrika.