Aqri: Wasaaradda arrimaha gudaha DFS oo DIGNIIN u dirtay madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed maanta ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa looga digay in madaxda maamul goboleedyada dalka ay isku dayaan muddo kororsi, ayada oo wasaaradda ay sheegty inay xaqiijin doonto sidii aysan taasi ku dhici lahayn.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta, iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah, waxay si dhow ula socataa geedi socodka federaalaynta iyo doorashooyinka dalka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa intaas sii raaciyey “Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay gacan ku siin doontaa dhammaan Dowlad goboleedyada sidii loo hirgelin lahaa doorashooyinka kusoo fool leh oo aan rajaynayno in ay u dhacaan si daah furan, xor ah, waafaqsanna dastuurka dalka”

“Wasaaraddu waxay adkaynaysaa in la ixtiraamo ku dhaqanka dastuurka lana ilaaliyo muddada xil haynta iyadoo xaqiijin doota in ay doorashooyinku qabsoomaan waqtigii loo asteeyay si looga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta muddo kororsi” ayay tiri wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay sidoo kale ugu baaqaysaa madaxda dowlad gobaleedka Galmudug, ayaa lagu yiri, in ay soo afjaraan isafgaranwaaga kasoo cusboonaaday dhexdooda looguna baaqaysaa in ay dib ugu soo laabtaan dhaqangelinta heshiiskii lagu saxiixay Villa Somalia taariikhdu markay ahayd, 06/12/2017 lana meel mariyo dhammaan qodobadii ku caddaa heshiiskaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com