Dhageys Kheyre: Laba arrin marna kama aqbali doono madax goboleedyada dalka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa jawaab culus ka bixiyey laba qodob oo ka mida shuruudihii ay madaxda maamul Goboleedyada dalka ku xireen waanwaan ay la galaan dowladda Federaalka.

Isagoo ka hadlayey munaasabad ka dhacday Xarunta Gobolka Banadir ayuu sheegay inuusan aqbali doonin in la yiraahdo magaalada madaxda amni ma aha.”Muqdisho waa magaalo Soomali oo dhan dhisatay, waa magaalo aan cid gaara lahayn oo Soomaali u dhaxeysa, waana caasimadii dalka.. ma aqaan cidda loogu daneynayo in la yiraahdo amni ma aha..” ayuu yiri Kheyre.

Mar uu ka hadlay dalabka madaxda maamul Goboleedyada ee ah in daraf saddexaad oo ajnabi ah uu soo dhex galo dowladda iyo maamul goboleedyada, ayuu sheegay in lasoo dhaafay xilligii la dhihi jiray ajnabi ka dhex galo Soomaalida.

Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa sheegay inaysan aqbaleynin labada qodob ee Amniga caasimadda iyo Daraf saddexaad, wuxuuna si cad u sheegay in xaaladda dowladnimada Soomaalida ku sugan tahay xilligan ay tahay mid dadku dareemayaan inay sharaftoodii soo noqotay.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka kulul ee kasoo yeeray Kheyre

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com