Dhageyso: JEELLE oo erey yaab leh ku macneeyey khilaafka DF & maamulada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenkii hore ee Gaashaandhigga Salaad Cali Jeele ayaa ka hadlay khilaafka cusub ee soo kala dhexgalay dowladda Federal-ka Soomaaliya iyo Dowlad Gobolleedyada xubnaha ka ah.

Salaad Cali Jeele oo iminka ka mid ah la taliyeyaasha madaxweye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay ka qeybgalayey barnaamijka ISXILQAAN oo uu daah furayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa ku tilmaamay khilaafka u dhexeeya dowladda iyo hoggaamiyeyaasha gobollada “BAAD”

Ereyga BAAD oo uu si Maad iyo Xigmad  ku dheehan tahay ku micneeyey ayuu sheegay in dowladda dhexe ay tanaasul badan u sameysay hoggaamiyeyasha gobollada walina diyaar u tahay balse hadda ay qabsadeen kulan “BAAD” ah oo aan laga talo galin “Xataa ma dhihin waan idin baadeynaa!”

BAADA UU SHEEGAYO SALAAD

Iyada oo ay jiraan dadka qaar ku doodaya in maamul gobolleedyada aan laga talo galin hannaaka dowladnimada ayuu Salaad sheegay in la sameeyey gudiga amniga qaranka kaas oo aysan jirin meel ay dastuurka uga taal in ay ku midoobaan dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah.  Hase ahaatee, ay dowladda dhexe kaddib cabasho uga timi hoggaamiyeyaasha u sameysay golohaas “Walow ay baad ahayd!”

UJEEDKA SHIRKII KISMAAYO

Salaad Cali Jeele waxa uu ku tilmaamay shirkii Kismaayo ee ay Dowlad Gobolleedyada ku sheegeen in ay xidhiidhka ugu jareen dowladda in lagu soo koobi karo “BAAD” kale oo micneheedu yahay dowladdu hana siiso taageero aan dib ugu soo labanno!

Hoos ka dhageyso codka Salaad Cali Jeelle

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com