Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii Geelle iyo Xasan

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada dalkaasi kula kulmay dhiggiisa Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada madaxweyne ayaa waxay kulankaan uga wada-hadleen horumarinta iskaashiga labada dal iyo howl-galada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu la wadaagay dhigiisa dalka Jabuuti guulaha ay ciidamada Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab, xasillinta dalka iyo adkeynta dowladnimada.

Sidoo kale wuxuu uga mahad-celiyay nafhurnimada iyo garab istaagga walaalnimo ee ay dowladda Jabuuti, gaar ahaan ciidamada Hiil-Walaal u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, xilliga adag ee uu socda howl-galka dib u xoreynta dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa isaguna dhankiisa si weyn u bogaadiyay natiijooyinka wanaagsan ee laga gaaray dagaalka Al-Shabaab.

Geelle ayaa xusay in dowladda Jabuuti ay sii wadi doonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya si looga adkaato kooxaha argagixisada ah ee caqabada ku ah nabadda iyo horumarka gobolka.