Daawo: Deni oo shaaciyey ganacsi qatar ah oo hay’adaha amniga Puntland ay billaabeen

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa hey’adaha ammaanka maamulkaas ku eedeeyey inay maan-dooriyaha ka ganacsadaan.

“Waxaa iigu yaab badan, waxaan maqlay in Qamriga la siiyo Aawrta, si ay u qooqaan,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkaan ka sheegay shirweynaha arrimaha diinta iyo cadaaladda oo maanta uu ka furay Garowe, wuxuuna sheegay in heerka isticmaalka daroogada uu Puntland ka gaaray in Geela Qamriga la siiyo.

Deni ayaa hey’adaha ammaanka ku eedeeyey inay cabaan oo iibsadaan maan-dooriyaha, halkii ay ka hor tegi la haayeen.

“Waxaba isku qari meyno maanta, waxaa ugu daran hey’adaha ammaanka oo saraakiishoodu ay halkaan fadhiso, iyagoo qamriga caba oo ka ganacsada,” ayuu yiri Saciid Deni.

Madaxweynaha ayaa sheegay culumada iyo odayaasha dhaqanka ugu baaqay inay ka qeyb qaataan la dagaalanka daroogooyinka lagu kala iibsado deegaanada Puntland.

“Ficilada soo baxaya iyo isbedelka ay dhaqanka iyo naxariista dadka ku keeneyso arrintaan, wax la sii fiirsa karo maaha,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Hoos ka daawo