Daawo: Xabaalo-wadareedyo ay sameeyeen Al-Shabaab oo la helay

Aadan-yabaal (Caasimada Online) – Waxaa lasoo bandhigay xabaalo wadareedyo ay ku aasanyihiin Shabbaab-kii ugu badnaa oo lagu laayey dagaaladii iyo duqeymihii ka dhacay gobolka Shabeellada Dhexe.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo shacabka is abaabulay ee deegaanka ayaa saacadihii u dambeeyey gaaray dhufeysyadii Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Dhexe oo isku bedalay xabaalo wadareedyo.

Goobta xabaalahaan lagu arkay waa deegaan lagu magacaabo Ciid-ciidka Jimbilow oo hoos taga degmada Aadan-yabaal, halkaas oo lagu xasuuqay Shabaab-kii ugu badnaa.

Maalmihii lasoo dhaafay wixii meyd ay kala rogmanayeen furimaha dagaalka ayey Al-Shabaab toban-toban ugu aasteen deegaankaas, waxaana goobtaas lagu arkay xaalad khatar ah, maadaama ay meydadku banaanka yaallaan aadna u soo ureen.

Dhulka howdka ah ee kooxdu ay ku aasatay meydadkaan, waxaa la sheegay inuu noqday keyn uga dhuuma jireen duqeymaha iyo weerarrada kale ee ciidamada dowladda.

Deegaankaas waxaa la sheegay in Al-Shabaab ay ku lahaayeen dhufeysyadii ugu dambeeyey ee hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab ay sanadihii dambe joogeen.

Warbaahinta dowladda ayaa soo bandhigtay halka lagu arkay xabaalahaan Shabaab-ka badan ay ku aasan yihiin, waxaana la sheegay in dhulkaan oo markiisii hore ahaa dhul beereed ay Al-Shabaab ka dhigteen goobo ay duqeymaha uga dhuuntaan.

Hoos ka daawo