ATMIS oo war cusub kasoo saartay dagaalka Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS oo ka hadlay dagaalka socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa shaaciyay kaalintooda ku aadan dagaalka ee ay ku taageerayaan howl-galada ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

War kasoo baxay howl-galka ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay in inta lagu guda jiro howl-galada millateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab ay fulinayaan weeraro dhinaca cirka ah, si loogu taageero Ciidamada la dagaalamaya Al-Shabaab.

“ATMIS waxay sii wadaa inay taageerto dagaalka cirka ee ciidamada dhulka inta lagu jiro howl-galada militari. Howl-galada ATMIS ayaa socda oo lagu taageerayo ciidanka xoogga dalka si loo wiiqo Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa qeyb weyn ka aheyn howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda qeybo kamid ah gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasi oo laga gaaray guulo waaweyn.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ayaa kooxda Al-Shabaab kala wareegay deegaano horleh oo sanado badan ay gacanta ku hayeen dagaal-yahanada kooxda.

ATMIS oo hore loogu eedeyay inaysan daacad ka aheyn ciribtirka Al-Shabaab, ayaa xiligan u muuqata inay isdhex-raacineyso natiijada wax-ku-oolka ah ee laga gaaray kacdoonka dagaal ee socda.