Sawirro: GOBOL cusub oo looga dhowaaqay billowga kacdoon ka dhan ah Shabaab

Xudur (Caasimada Online) – Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, Maamulka Gobolka Bakool iyo Odayaasha Dhaqanka ayaa Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ku yeeshay kulan looga hadlayay, sidii gobolka looga bilaabi lahaa guluf ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.

Kulankan oo uu soo qaban-qaabiyay Gudoomiyaha Gobolka Bakool, Maxamed Cabdi Tool, ayna ka qaybgaleen Saraakiisha Guutada 9aad, Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Odayaasha Dhaqanka ee Degmooyinka Xudur, Tiyeeglow iyo Rabdhuure ayaa laga soo saaray in si degdeg gobolka looga bilaabo guluf xididada loogu siibayo mintidiinta ka hawlgasha gobolkaasi, iyadoo dagaalka ay door weyn ku yeelanayaan shacabka, oo abaabulkooda iyo isku xirkooduna ay leeyihiin Hoggaanka Dhaqanka.

Xubno ka mida Odayaasha Dhaqanka oo kulanka ka dib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la isku afgartay in si wadajir ah loola dagaalamo maleeshiyada Al Shabaab.

Odayaasha Dhaqanka ayaa bidhaamiyay inay safka hore ku wehlin doonaan ciidamada iyo shacabka diyaarka u ah ciribtirka maleeshiyadaasi.

“Saacaddan laga bilaabo dagaal ayaa lagu baaqay meeshii ay nala gaarto, hanala gaarto, ninkii tiisa gashaa dhimanayo, maxaa yeelay dalna ma hayno, dadna ma hayno. Al Shabaab markii horeba dadka way dhameynaysay, haddana ha dhameyso, xoolihii harayna ha dhameystirto, annaga dagaalkan waan galaynaa,” ayuu yiri mid ka mida Odayaashii Dhaqanka ee Warbaahinta la hadlay.

Taliyaha Guutada 9aad, Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Cabdi Maxamed Gaagaale ayaa soo dhaweeyay go’aanka adag, ee ay Odayaasha Dhaqanka qaateen.

“Waxaan rajeynaynaa in hawlgalkaas uu guul ku bilowdo, guulna uu ku soo dhammaado.” Ayuu yiri Taliye Gaagaale oo intaasi ku daray “Shacabku aad iyo aad bay diyaar u yihiin, wayna u haylan yihiin hawlgalkan, annaguna waan garab taaganahay, mar walbana waxaan diyaar u ahayn difaaca dalka, dadka iyo diintaba.”

Maxamed Cabdi Tool, Gudoomiyaha Gobolka Bakool ayaa dhankiisa sheegay inay dagaal la geli doonaan Shabaab, iyagoo markaasi wax la qaba shacabka Soomaaliyeed.

“Gobolka Bakool, saacaddan wixii ka bilowdo abaabul ayaan galnay, dagaalka waan galaynaa, Soomaalida ayaana wax la qaybsanaynaa. Dhibaato kasta dagaalka ha lahaado, Soomaalida ayaan wax la qabnaa,” ayuu yiri Gudoomiye Tool.

Tool ayaa yiri “Xoreynta dalka ayaan ka qayb qaadanaynaa, cadowga toban iyo shan sano ayuu na dul fadhiyay, waa inaan annaga iska kicinaa, sida dadka kale.”

Tani ayaa imaanaysa, xilli Gobolada Dhexe ay ka socdaan hawlgalo uu hadafku yahay in Shabaabka lagaga sifeeyo bartamaha dalka, waana guluf ay door muhiim ah ku leeyihiin shacabka goboladaasi.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horaan bogaadiyay kacdoonka shacabka, ee ay isaga dulqaadayaan maleeshiyada Al Shabaab.