Sawirro: Golaha Wasiirada oo maanta go’aan ka gaaray heshiis lala soo galay dalka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda  Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay xarunta Villa Somalia ee Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana goobjoog ahaa ku xigeeniisa Saalax Axmed Jaamac iyo inta badan golaha.

Inta uu socday shirka waxaa lagu ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Ciraaq, kaas oo maanta la horgeeyay xubnaha golah wasiirada.

Sidoo kale golaha ayaa meel-mariyay heshiiska caalamiga ah ee da’da ugu yar ee shaqada, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay shirkooda.

“Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey heshiiska caalamiga ah ee  da’da ugu yar ee shaqada iyo heshiis is-afgarad ee u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Ciraaq” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Dhanka kale golaha wasiirada ayaa sidoo kale shirkooda maanta ku ansixiyay Hindise Sharciyeedka Danbiyada Kufsiga iyo anshax-xumada oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed, kaas oo ay goluhu dood adag ka yeesheen.

Sharcigan iyo heshiisyada ay go’aanka ka gaareen golaha wasiirada ayaa la marin doonaa Baarlamaanka, si uu ugu doodo, kadibna waxaa saxiixi doono madaxweynaha dalka.

Gabagabadii waxaa shirka warbixino iyo talooyin looga dhageystay qaar kamid ah wasiirada, halka wasaaradda gaashaandhigga ay soo bandhigtay warbixin guud oo ku saabsan howlgalladii ugu dambeeyay, gaar ahaan jabka la gaarsiiyey kooxda Al-Shabaab.