Madaxda 9 TV oo ku dhegan Villa Somalia + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) –Warbaahinta Madaxa-banaan ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku eedeysay Madaxtooyada Soomaaliya oo ay sheegeen inay cuuryaamisay doorkii Dastuuriga ahaa ee Warbaahinta Madaxa-banaan.

Bayaankaan ayaa ka soo baxay shir xasaasi ah oo maanta ay isugu imaadeen agaasimayaasha 9 ka mid ah TV-yada gaarka loo leelayahay ee dalka ka howlgala.

War-saaxaafadeedka soo baxay ayaa ka kooban afar qodob oo eedeyn ah iyo labo qodob oo baaq ah.

Ugu horeyn agaasimayaasha sagaalkaan TV waxay sheegeen in madaxweyne Xasan Sheekh uu uga baxay balantii aheyd inuu soo afjarayo dhaqankii taliskii Farmaajo oo warbaahintu ay dhibsatay shantii sano ee xafiiska uu joogay.

Qodobka labaad waxaa lagu eedeeyey xafiiska warfaafinta madaxtooyada oo lagu eedeeyey inuu cuuryaamiyey doorkii warbaahinta madaxa-banaan ee tebinta xogta rasmiga ah ee dalka.

Sidoo kale xafiiska warbaahinta ee madaxtooyada waxaa lagu eedeeyey in wadashaqeyntii warbaahinta kale uu ku soo koobay muuqaalo faaf-reeban oo lasoo diro.

Isla xafiiska warfaafinta madaxtooyada waxay madaxda warbaahinta madaxa-banaan ku eedeeyeen inuu caqabad ku noqday in madaxda dowladda ay la hadlaan warbaahinta madaxa-banaan.

Ugu dambeyntii sagaalka agaasime ee soo saaray bayaankaan waxay soo jeediyeen labo qodob oo baaq ah, kuwaas oo kala ah:

1 – In saxaafadda madaxa banaan loo ogolaado xaqa dastuuriga ah oo ay u leedahay soo tebinta dhacdooyinka masiiriga ah ee dalka, si faafreeb la’aan ah.

2 – In saxaafadda madaxa-banaan laga joojiyo faafreebka iyo sumcad dilka uu ku wado xafiiska warfaafinta ee Villa Somalia, taas oo keeni karta cawaaqib xumo.

Hoos ka akhriso bayaan