Xog: Wasaaradda Maaliyadda DF oo si qarsoodi ah shirkad ugu xireysa shaqo xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa shirkad gaar ah ku wareejisay uruurinta qeyb ka mid ah canshuuraha u soo xarooda dowladda federaalka.

Heshiiskaas weli ma uusan saxiixin wasiirka maaliyadda Soomaaliya Biixi Cige, balse shirkadaas ayaa ku howlgeleysa saxiixa agaasimaha guud ee daqliyada wasaaradda maaliyadda XFS.

Shirkadaan waxay howlgeleysaa toddobaadkaan, sida ay xubno ka tirsan wasaaradda maaliyadda u xaqiijiyeen Caasimada Online, waxayna ka shaqey doontaa canshuur uruurinta daaraha iyo wado-marista.

Shirkadaan ayaa qoratay ciidamo iyo shaqaale gaar ah, waxaana sidaas shaqadoodii ku waayey in ka badan 200 oo qof oo wasaaradda maaliyadda uga shaqey jiray uruurinta canshuuraha.

Shaqaalaha shaqadooda lagu wareejiyey shirkadaan waxay ka howlgeli jireen ugu yaraan 15 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, waxaana hadda kadib uruurinta canshuuraha daaraha iyo wado marista wasaaradda maaliyadda u uruuri doona ciidamada iyo shaqaalaha cusub oo ay qoratay.

Xogta ay heshay Caasimada Online waxay xaqiijineysaa in 70% canshuurta soo xaroota ay shirkaddu ku shubi doonto akoonka wasaaradda maaliyadda, halka 30% ay la hari doonto.

Lacagta faa’iidada ah ee shirkadda u hareysa waxaa saami ku yeelanaya xubno siyaasiyiin ah oo dowladda ka tirsan, waxaana la is weydiinayaa sababta ay wasaaraddu ku dooratay inay ogolaato saami, iyadoo heleysa faa’iido 100% ah.

Sanadkii 2017-kii wasiirkii maaliyadda Beyle iyo ra’iisul wasaare Kheyre ayaa joojiyey qorshe noocaan oo kale ahaa oo shirkado gaar ah loogu xiray uruurinta canshuuraha, waxaana xiligaas la go’aamiyey in shaqaalaha wasaaradda iyo ciidamada booliska Soomaaliyeed ay masuul ka yihiin uruurinta canshuuraha dowladda.

Go’aankaas oo ku soo baxay faafinta rasmiga ah ee dowladda waxaa la buriyey maanta, waxaana howlgeli doonta shirkad aan saxiix ka heysan wasiirka maaliyadda, iyadoo ay shaqadooda sidaas ku weyn doonaan in ka badan 200 oo shaqaale ah oo wasaaradda maaliyadda masuul uga ahaa uruurinta canshuuraha.