Sawirro: GORGOR oo ka hor-tagay weerar qaraxyo ah

Afgooye (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Gorgor ayaa lagu soo warramayaa inay howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen degmada Awdheegle iyo duleedkeeda.

Wararka ayaa sheegaya in howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ay ciidamadu ku fashiliyeen weeraro qaraxyo ah oo lagu aasay waddooyinka soo gala degmadaasi.

Saraakiil ka tirsan kuwa Gorgor ayaa sheegay in dhowr miinooyin ay ka soo saareen inta u dhexeysa Awdheegle iyo deegaanada Shaamgare, Jowhar Yareey iyo Mubaarak.

Sidoo kale saraakiisha ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada marka ay soo saareen miinooyinkaasi ay ku guuleysteen in la qarxyo, iyaga oo aan geysan wax khasaare ah.

“Howlgalkan oo uu hoggaaminayay taliyaha Guutada 17-aad ee kumaandooska Gor Gor col. Dayax Cabdi Cabdulle, wuxuuna sheegay in ay soo saareen miinooyin dhowr ah, sidoo kale ciidamada ayaa qarxiyay  miinooyin kale oo maleeshiyada argagixisada ah ay ku aaseen wadooyinka ay shacabku maraan,” ayaa lagu yiri qoraal ay daabacday warbaahinta dowladda.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada Gorgor ayaa dhaq-dhaqaaqyo xoogan ka waday dhinaca degmada Awdheegle, halkaas oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii