Indha-Cadde oo shaaciyey inuu ‘ka badbaaday isku day dil’ isagoo ku sugan garoonka Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-Cadde) ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay inuu ka badbaaday isku day dil, kadib markii meel fog laga soo toogtay isagoo ku sugan gudaha garoonka diyaaradda Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Jeneraal Indha-Cadde, oo warqadaan u diray, qaarna ogeysiiskooda ku xusay xafiisyada ugu sareeya dalka markii laga reebo kan Rooble iyo hey’adaha garoosrka, ayaa codasay in la baaro kiiskaan lagu qaaraji rabay.

“21-12-2021 saacadu markii ay aheyd 5:20 Galabnimo anagoo dhex lugeyneyna Airportka Aadan Cadde Airport, aniga iyo Maxamed Cali Sheekh ayaa waxa nalaga soo toogtay meel Fog oo ku adaneyd deegaanka Alpha Group ay ka dagan yiihiin Airportka, taas oo nalagu soo toogtay qoryaha meesha Fog wax looga toogto, ayada oo la igu talagalay in la igu qaarajiyo, balse ilaahey iga badbaadshay,” ayaa qoraalkiisa ku yiri Indhacadde.

Jeneraalka ayaa sheegay in aad ay u dadaalayeen, taas oo keentay in qofkii tooganayey uu xabadda la waayo, “ Waxan ka rajeynayaa hey’adaha sida tooska ah ay ugu socoto warqadaan iyo kuwa kuleh ogeysiintaba in aan heli doono Cadaalad,” ayuu yiri.

Qoraalka uu soo saaray Jeneraal Indha-Cadde ayaa intaas ku sii daray, “Madaama aan u socday si xoog ah, ayaa sababtay inuu sugnaan waayo shiishkii qofkii i toogan rabay, sidaas awgeed, waxaan ka codsanayaa hey’adaha sida tooska ah ay ugu socoto warqadaan iyo kuwa ku leh ogeysiinta in la baaro kiiskaan loogu talagalay nafteyda in lagu qaarajiyo.”

Qoraalka Indha-Cadde qeybta lagu xusay xafiisyada ay warqadaan ku socoto iyo kuwa ay ogeysiiska ka heysato, midna laguma soo darin Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble, halka ay ku jiraan Madaxweyne Farmaajo, wasiirka amniga, taliyayaasha ciidamada garoonka iyo maxkamadda ciidamada.