Daawo: Deni oo ka hadlay dagaalkii Boosaaso, fariinna u diray Maxamuud Diyaano

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo caawa shir jaraa’id qabtay ayaa si qota dheer uga hadlay dagaalkii ka dhacay magaalada Boosaaso iyo khilaafka kala dhaxeeya Taliyihii uu xilka ka qaaday ee PSF-ta Puntland Maxamuud Diyaano.

Madaxweyne Deni ayaa ugu horeyn sheegay in wax kasta oo dhacay ay ka dowlad ahaan diyaar u yihiin in xal nabadeed laga gaaro oo lasoo afjaro xiisadda ka taagan magaalada Boosaaso.

Sidoo kale Deni ayaa baaq u diray isimada dhaqanka iyo siyaasiyiinta reer Puntland, isagoo ka codsaday in xiisadaan ay xal u keenaan, si loo kala badbaadiyo dadka, isagoo balan qaaday in wax kasta oo waxgaradku go’aamiyo ay xukuumadiisu u hoggaansami doonto.

Waxa uu sheegay in wax kasta oo dhacay ay diyaar u tahay xukuumadda Puntland in la is daba qabto, isagoo si toos ah baaq ugu diray Agaasimihii uu xilka ka qaaday ee ciidanka PSF Maxamuud Cusmaan Diyaano oo hoggaaminaya ciidanka ka dagaalamaya Boosaaso.

“Waxaa ugu baaqayaa agaasimihii hore ee PSF oo runtii isaga, walaalkiis iyo aabihiis ay waqti badan ka soo qeyb qaateen difaaca dalkaan, in taariikhdiisa uusan iska xumeyn, waan u nasteexeynayaa, dadka reer Puntland heer kasta ha joogee bulshada, sharciga iyo dowladnimadaa ka weyn,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Waxa uu sheegay in aysan shaqeyn doonin qof kasta meesha uu ka shaqeeyo hadii laga bedelo inuu ku dagaalamo ‘anigaa qaadanaaya’ “Weliba dadkii dowladnimada lagu tirinaayey oo u soo dhintay waqtiga dheerna u soo bixiyey fal noocaas ah inuu ka yimaado runtii waa ku ceeb,” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni.

Deni oo sii hadlaayey ayaa sheegay in wixii dhacay ay yihiin wax ku wada dhacay oo ka wada dhacay, qaladkana markiisa laga wada hadli doono, balse maanta aan la joogin waqti la is eedeeyo, maadaama ay dadkii shacabka ahaa duurka u baxeen oo xaalad adag ay wajahayaan.

“Waxaan idiin cadeynayaa dowladeydu waa dowlad nabadeed, nabadbaan dooneynaa, dhamaan ciidamada Puntland waxaan farayaa in nabad ay ku qada noolaadaan, arrintaana waxaan codsanayaa in si kale loo xaliyo, waana loo xali karaa, xalkana dowlad ahaan diyaar ayaan u nahay,” ayuu yiri Saciid Deni.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ciidamada la dagaalamaya ee PSF waxa uu u balan qaaday in aysan jirin cid ka aar goosa doonta, isagoo ka codsaday in xalka ay qaataan oo dagaalka joojiyaan.

“Ciidanka PSF waxaan u balan qaadayaa cid weerar ku ah ma jirto, cid dooneysa in xal askari ah ay wax ku xaliso ma jirto, waxaan rajeynayaa in arrintaan lagu dhamey doono xal ay hormuud ka yihiin xubno aan dowladda aheyn, qoonsiga jira iyo arrimaha taagan waan dareensanahay, laakiin waxaan bulshada u cadeyneynaa in dowladdu ay diyaar u tahay xal kasta oo arrintaan loo keeno,” ayuu yiri Saciid Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa faray ciidamada ka amar qaata ee ku sugan Boosaaso in aysan xabad dambe ridin, xataa hadii lagu xad gudbo oo xabad lagu soo rido, “Inta diiday amarkeyga waxa ay sameeyaan dadkaa arki doona, laakiin waxaan rajeynaa in xalka la qaato oo waxgaradka la tixgeliyo,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo