Jadwalkii doorashada dalka oo si rasmi ah u fashilmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Jadwalkii guddiga doorashada heer federaal uu u qorsheeyey in lagu qabto doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad ayaa mar kale fashilmay.

Guddiga ayaa 11-kii bishii hore ee November soo saaray jadwal cusub oo dhigaya in bishaan December 24-keeda la soo gabagabeeyo doorashada xildhibaanada golaha shacabka.

Hase yeeshee waqtigaas waxuu ku ekaa jimcihii maanta oo taariikhdu ku beegneyd 24-ka December, xubnaha dooran 50 xildhibaan ma dhama, badankoodna waxaa lagu muransan yahay hanaankii ay kursiga ku soo qaateen.

Waa markii saddexaad oo dib u dhac iyo fashil uu jawaho jadwal doorasho oo ka soo baxay guddiga hir-gelinta doorashada dalka ee heer federaal, shantii bilood ee u dambeysay.

Ilaa hadda doorashada xildhibaanada golaha shacabka waxaa bilaabay Koonfur Galbeed, Galmudug iyo guddiga doorashada reer waqooyiga, balse inta badan kuraastii la doortay waxaa ka daba yeereysa qeylo dhaanta qabaa’ilkii lahaa.

Jubbaland, Puntland, HirShabeelle iyo guddiga Banaadiriga weli ma bilaabin doorashada kuraasta golaha shacabka, balse Jubaland iyo Banaadiriga ayaa shaaciyey kuraas ay maalmaha soo aadan qabanayaan doorashadooda.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo hoggaamiya golaha wadatashiga qaran ee go’aanka doorashada iska leh ayaa iclaamiyey shir ka dhacaya Muqdisho oo madaxda dowlad goboleedyada iyo Ra’iisul wasaaraha ay uga tasha doonaan caqabadaha ay ka dhaqaaqi la’dahay doorasho daah-furan.

Waxaa jira xogo hor dhac ah oo tilmaamaya in shirkaas lagu gorfeyn doono damac ku jira dowlad goboleedyada qaar oo doonaya in doorashada loo asteeyo hal deegaan doorasho, si madax goboleedyadu ay awood ugu yeeshaan in magaalada fadhiga u ah ay ku maamushaan doorashada dhamaan xildhibaanada ka bimaanaya  deegaanada maamulkiisa.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii