Putin: Aflagaadeynta Nebi Muxamad (NNKH) qeyb kama ahan xoriyadda hadalka

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in aflagaadeynta Nebi Muxamad (NNKH) aysan qeyb ka aheyn xoriyadda hadalka, balse ay tahay ku xadgudubka xoriyadda diimaha.

Putin ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo sanadle ah oo uu Khamiistii ku qabtay Moscow, sida ay werisay wakaaladda wararka Ruushka ee TASS, wuxuuna intaas ku daray in aflagaadeynta Nebi Muxamad NNKH ay xagudub ku tahay dareenka xurmadda leh ee dadka Islaamka.

TASS ayaa sidoo kale werisay in madaxweynaha Ruushka uu cambaareeyey daabacaadda sawir gacmeedyada lagu aflagaadeeyey Nebiga NNKH ee uu sameeyey wargeyska Faransiiska ee Charlie Hebdo. 

Ficillada noocan ah waxay sare u qaadeen aargudasho ay sameynayaan xagjiriinta, ayaa laga soo xigtay Putin. 

“Xoriyadda sawir gacmeedyada waxay leeyihiin xuduudahooda, mana ahan inay jebiyaan xuduudaha kuwa kale,” ayuu yiri. 

Putin ayaa sheegay in Russia ay tahay dal qowmiyado kala duwan, oo bartay sida midba midka kale uu xushmeeyo dhaqamadiisa. “Dalalka qaarkood xushmadda noocan ah way ku gaaban tahay,” ayuu yiri Putin. 

Wargeyska Charlie Hebdo ayaa dhowr goor daabacay sawir gacmeedyo lagu aflagaadeeyey suubanaha, taasi oo dhalisay cambaareyn xooggan oo ka timid dunida Muslimka.

Sawir gacmeedkayadaas ayaa dhaliyey weerar lagu qaaday xarunta wargeyska 7-dii Janaayo 2015, kaasi oo lagu dilay 12 qof. 

Wargeyska ayaa mar kale sawiro gacmeedyo daabacay bishii September 2020, taasi oo dhalisay cambaareyn kale oo xooggan. 

Bishii October 2020 waxaa Faransiiska lagu gowracay macallin iskuul oo ardaydiisa tusay sawir gacmeedyo lagu sheegay Nebiga NNKH, taasi oo dhalisay in madaxweynaha dalkaas Emmanuel Macron uu difaaco sawirrada kuna sheego qeyb ka mid ah xoriyadda hadalka.

Hadalka Macron ayaa ka careysiisay dunida Islaamka, taasi oo dhalisay inuu ka laabto iskuna dayey inuu hab kale u sharxo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii